WARARKA SOOMAALI

Uhuru Kenyatta oo wada qorshe uu ku caydhinayo Aadan Barre Ducaale.

Muqdisho (HM)-Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo ah hogaamiyaha xisbiga Jubilee ayaa lagu wadaa in uu guddoomiyo kulan muhiim ah oo xildhibaanada baarlamaanka Kenya maalinta Isniinta ee soo socota, iyadoo lagu wado in xilka loogaga qaado Aden Barre Ducaale.


Illaa 130 xildhibaan oo ka mid ah baarlamaanka Kenya ayaa saxiixay qoraal kalsoonida ay ugagala laabanayaan Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya ayaa Aadan Barre Ducaale.

Sida lagu daabacay mid ka mid ah wargeysyada dalka Kenya Ducaale oo laga soo doorto gobolka Waqoyi Bari ee dalka Kenya Madaxweynaha Kenya ayaa la gaarsiiyay qoraalka kalsooni kala laabashada ah ee Ducaale.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa wada dib u habeyn maamulka dalka Kenya gaar ahaan xisbiga uu hogaamiyo.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in lagu wado in isku shaandheyn lagu sameeyo golaha wasiirada dalka Kenya dhowaan.

Wixii kasoo kordha halkan kala soco.

Aadan Barre Du,aale.
@Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top