WARARKA SOOMAALI

Turkiga oo Cambaareeyay Qaraxii Is-miidaaminta ee ka dhacay Magaalada Muqdisho

Dowladda Turkiga ayaa si kulul Cambaareeysay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee shalay oo Arbaco aheyd ka dhacay wadada 21-ka Octoober gaar ahaan meel ku dhow Albaabka Xerada Afisyooni ee degmada Waaberi ee Gobolkaan Banaadir.

Safaaradda Turkiga ee Muqdisho oo Qoraal kooban ay soo saartay ku sheegtay inay aad uga xun yihiin qaraxii ka dhacay Muqdisho ee geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo wadada marayey iyo Askar Ciidan.

Turkiga ayaa tacsi u diray qoysaska ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxa, iyo dowladda Soomaaliya, iyagoona Caafimaad u rajeeyay dadkii dhaawacyada soo gaareen, waxaana qaraxii dhacay ay ku tilmaameen inuu ahaa mid Argagixisanimo ah.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa falkaas foosha xun ee argagixisanimo, waxaana tacsi u direynaa shacabka iyo dowladda Soomaaliya ee walaalaha ah. Waxaan u rajaynaynaa naxariistii Janno intii ku dhimatay, kuwii ku dhaawacmayna caafimaad degdeg ah ha siiyo” ayaa lagu yiri Qoraalka Safaarada Turkiga.

Ugu yaraan 10 qof oo isugu jiray Askar iyo dad shacab ah ayaa ku geeriyooday qaraxii shalay ka dhacay wadada 21-ka Octoober ee degmada Waaberi, halka 5 qof kalena ay dhaawacmeen, waxaana mas’uuliyada qaraxaas sheegtay Al-shabaab oo bartilmaameedsatay kolonyo ay la socdeen Saraakiil caddaan ah.

Turkiga oo Cambaareeyay Qaraxii Is-miidaaminta ee ka dhacay Magaalada Muqdisho
To Top