WARARKA SOOMAALI

Banaanbax Maanta ka dhici lahaa Magaalada Muqdisho oo dib loo dhigay

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu waday in Maanta oo khamiis ah uu ka dhaco Banaanbax abaabulkiisa maalmihii lasoo dhaafay ka socday Caasimadda, hayeeshee la baabjiyey, kaasi oo horey u diideen Maamulka Gobolka Banaadir.

Odayaasha dhaqanka Muqdisho ayaa dadaalo kala duwan oo ay sameeyeen ugu dambeyn joojiyay banaanbax Mucaaradka ay ka dhigi lahaayeen fagaaraha Daljirka daah-soon ee degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa maalmo kahor si Cad u sheegay in xiligaan Caasimadda aan lagu qaban kari banaanbax uusan ogeyn maamulka Gobolka, ayna mamnuuc tahay arrintaas.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa caddeeyay in asyan jirin xiligaan sabab keeneysa in la qabto banaanbax, maadaama Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ay heshiis ka gaareen doorashada, isla markaana dalka uu aaday doorasho.

Banaanbax Maanta ka dhici lahaa Magaalada Muqdisho oo dib loo dhigay
To Top