WARARKA SOOMAALI

TOOS:-Shirka sanadlaha ee Machadka Hiratage oo ka furmay Garoowe

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa waxaa daqiiqado kahor ka furmay Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage oo markii ugu horreeyay lagu qabanayo dalka Soomaaliya.

Ajandaha shirka sanadkan ayaa waxaa uu yahay mid diiradda lagu saari doono Xasilinta Dalka amni ahaan, Dhameystirka Dastuurka, Qabashada Doorasho qof iyo cod ah Yagleelida Nidaam Federaal oo shaqeynaya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka, Musharaxiinta Madaxweynaha, qaar kamid Maamulada dalka, Xildhibaano, Wasiiro iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo aad u badan ayaa ka qeyb galaya Shirkaas furmaya.

Madaxda lagu casuumay Shirka ayaa furitaanka Madasha ka jeedinaya khudbado intooda badan looga hadli doono xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashada dhacaya oo muran xoogan uu xiligaan uu ka taagan yahay.

Halkaan ka DAAWO Muuqaalka Shirka

SOMALI NEWS

To Top