WARARKA SOOMAALI

Taliyaha cusub ee Booliska Gobolka Banaadir oo la magacaabay

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir iyo fadhiyada hoos yimaadda u magacaabay G/le Sare Mahdi Cumar Muumin.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliye Xijaar ayaa lagu magacaabay G/le Sare Mahdi Cumar Muumin oo horey u ahaa Taliyihii Ciidanka Nabadsugida dowlad Goboleedka Galmudug.

Taliyaha cusub ee Mahdi Cumar ayaa bedeli doona Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Banadir Jeneraal Farxaan Maxamuud Aadan Qaroole oo lagu dilay qarax lagula beegsaday deegaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Si kastaba, taliyaha cusub ee maanta la magacaabay ayaa waxaa horyaallo shaqooyin adag oo ugu horreysay wax ka qabashada amniga caasimada oo haatan ah mid aad u liita.

Taliyaha cusub ee Booliska Gobolka Banaadir oo la magacaabay
To Top