ENGLISH NEWS

Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab oo socda

Wararka aan ka heleyno Gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaanka Ceel-macaan ayaa sheegaya inuu deegaankaasi ka socdo dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, Ciidanka deegaanka ee macwiisleyda iyo Al-shabaab.

Arroornimadii hore ee saaka ayaa waxaa deegaanka Ceel-macaan weerar ku qaaday xubno ka tirsan Al-shabaab, waxaana kadib bilowday dagaal culus oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona la maqlayo dhawaqa rasaasta.

Dagaalka ayaa daba socdo howlgal ay shalay deegaankaas kula wareegeen maleeshiyaadka Macawiisleyda, waxaana kadib dagaal rogaal celis ah soo qaaday Al-Shabaab.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka socdo halkaasi, iyadoo haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan, sida ay kusoo warramayaan Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka ee hoggaaminaya Ciidanka dagaalka ku jira.

Hiiraan ayaa waxaa ka socdo dagaallo culus oo u dhexeeyo ciidamada huwanta & Shabaab, wuxuuna shalay dagaalkii ugu cuslaa ka dhacay deegaanka Jicibow oo hoostaga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab oo socda
To Top