featured2

Tahriibayaal ku dhintay doon kula qalibantay Badweynta Atlaantigga

Mas’uuliyiinta dalka Spain ayaa sheegay in siddeed qof oo tahriibayaal ah ay dhinteen kaddib markii doonidii ay la socdeen ay muddo toddobaad ka badan dul-sabaynaysay badweynta Atlaantigga ee koonfurta jasiiradda Gran Canaria.

 

Sidoo kale kooxaha Gurmadka deg dega ah ayaa saacadihii hore ee loogu yeeray doon ay saarnaayeen laba iyo lixdan qof.

 

Toddoba qof ayaa hore u dhintay, halka qof siddeedaadna wuxuu dhintay goor dambe.Qaar ka mid ah kuwa badbaaday ayaa lagu qaaday diyaarad helikobter ah sababtoo ah xaalladooda ayaa liidatay. Habeenimadii Sabtida ee aynu ka soo gudubnay-na, soddon iyo lix qof oo tahriibayaal ah ayaa laga soo badbaadiyay doon kale oo badda ah.

 

Jasiiradaha Canary waa marinka ugu weyn ee muhaajiriinta Afrikaanka ah ee isku dayaya inay galaan wadamada Yurub.

Tahriibayaal ku dhintay doon kula qalibantay Badweynta Atlaantigga
To Top