SOMALI NEWS

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Dalka Koofur Afrika loogu gaystay Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ah ganacsatada dalkaasi ku gacansada.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in dilku uu si gaar ah uga dhacay Retreat oo qiyaastii (36km) u jirta Xaafadda Soomaalida Bellville ee Magaalada Cape Town, waxaana dilkiisa ka dameysay koox hubaysan oo la sheegay in ay dukaanka ugu galeen.

Marxuumak la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/llaahi Xasan Maxamed Hilowle, waxaana uu ka mid ah ganacsatada Soomaalida ah ee dalkaasi ganacsiyada waa weyn ku leh.

Ka hor inta dilku uusan dhicin ayaa la sheegay in dabley hubeysan ay dukaanka Marxuumka ugu galeen, waxaana dad ka ag-dhawaa ay sheegeen in ay rasaas maqleen wax yar uun kadib markii ay kooxdu gudaha u galeen goobta ganacsiga, iyadoo dhowr xabbadood ku dhuftay muwaadinka Soomaaaliyeed.

Dilka kadib waxaa goobta gaaray Laamaha ammaanka dalkaasi, waxaana la sheegay in ay howgallo iyo baaritaanno sameeyeen, balse ma jirto cid loos oo qabtay falkaasi dilka ah ee loogaystay Marxmuum cabdullaahi oo ka mid ahaa Soomaalida ganacsiga ku leh dalkaasi koofur Afrika.

Dalka Koofur Afrika ayaa si weyn waxaa dhibaatooyin joogto ah loogu gaystaa Soomaalida ganacsiga ku leh, iyadoo dhaca iyo dilalku ay joogto u yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed, mana jirto cid si gaar ayh isugu xilsaarta dilal iyo boobka lagu hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee maciin biday dalkaasi.

 

 

 

 

 

 

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika
To Top