WARARKA SOOMAALI

Soomaliland Xogta ujeedka waftiga Itoobiya ee maanta gaadhay Hargeysa-Akhriso

Hargeysa (HM) – Wafdi ka socda dowladda Itoobiya oo aan hore loo sii shaacin safarkooda ayaa maanta gaadhay magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland.

Wafdigaasi oo uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyada Itoobiya, Axmed Shide ayaa waxa si weyn loogu soo dhaweeyay madaarka Hargeysa ee Cigaal, iyada oo halkaasi ku qaabileen xubno ka tirsan golaha wasiirada Somaliland.

Wafdiga Axmed Shide ayaa waxa loo sii gudbiyey qasriga madaxtooyada Somaliland, isagoona kulamo kala duwan la qaadan doona madaxda sarre ee maamulka Somaliland, gaar ahaan Madaxweyne Muuse Biixi.

Sida uu ogaaday webka HM, Wafdiga Axmed Shide ayaa xukuumada Somaliland kala hadli doona xidhiidhka cusub ee Masar, maadama ay dowladda Itoobiya ay xasaasiyad ka qabto xidhiidhkas.

Ad by Valueimpression

Wafdiga dowladda Itoobiya ayaa su’aalo ka weydiin doona madaxweynaha Somaliland saldhiga millateri ee dowladda Masar ka sameysaneyso deegaanadeeda, Sida ay xogta ku helayso Caasimada Online.

Sidoo kale madaxweyne Biixi iyo Wafdigaasi ayaa ka wada-hadli doona xidhiidhka labada dhinac oo muddooyinkii dambe u muuqday mid meeqaamkiisu uu hoos u dhacay iyo arrimaha amniga.

Socdaalka Wafdiga Axmed Shide ayaa ku soo aadaya xili ay dhawaan magaalada Hargeysa ay tageen saraakiil Masaari ah oo xukuumada Biixi ka dalbatay inay saldhig millateri ka siiso Xeebaha.

Xidhiidhka cusub ee Somaliland iyo Masar ayaa u muuqda mid xiisad xoogan dhaliyey, iyada oo Itoobiyana ay walaac ka qabto dhaq-dhaqaaqa Masar ee geeska, xili ay kala dhaxeyso xiisada dabada dheeratay ee webiga Nile-ka.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top