WARARKA SOOMAALI

Soomaliland oo xukun ku riday Gabadhii Qolkeeda jiifka ku goglatay Calanka Soomaaliya.

 

Hargeysa (HM)-Maxkamad ku taala caasimada maamulka Somaliland ee Hargeysa ayaa lagu waramay in ay lix bilood oo xabsi ah ay ku xukuntay haweenay qolkeeda hurdada ku sharaxatay calanka baluuga ah ee Soomaaliya.

Degan Cumar Abshir oo loo garan og-yahay Degan Miiraash ayaa laba bilood xabsi ku qaatay kahor inta aan maanta xukunkaan lagu riddin.

Haweenaydan oo ah hooyada afar caruur ah isla markaana midka ugu yar uu jiray todoba bilood markii lasoo xidhay waxaa soo qabtay nabad-sugida maamulka Hargeysa.

Marwo Miiraash oo kasoo jeeda gobolka Awdal ayaa la sheegay in tobbankii sano ee lasoo dhaafay ay deganeyd. Hoygeeda waxaa lasoo wariyey in la bilaliqeystay kadib xadhigeeda sida aan warka ku helnay.

Qoyskooda oo tabiyey in ay soo basaaseen deriskeeda ayaa daaha ka rogay cunugeeda yar ay soo wajahdey xaalad culus kadib markii xorriyadda laga qaadey hooyadii isaga oo caydi ah.

Markii ciidamaddu isku dayeen in ay ku qasbaan in ay ka noqoto go’aankeeda, Degan oo muuqaal kasoo dhex-duubtay jeelka ayaa ku celcelisay erayada “Soomaaliya hanoolaato, Soomaaliya hanoolaato”.

Dacwad-oogeyaasha maamulka gooni u goosadka ah ayaa ku guuldareystay in ay saxaafadda u soo bandhigaan eedaha lagu soo oogay Gabadhan kasoo jeeda Awdal ee Midnimada aaminsan.

Inkasta oo aysan aqoonsi caalami ah ka helin wadamadda caalamka, Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii sheegta in ay ka go’een Soomaaliya. Taas bedelkeeda, dunida waxay u aragtaa maamul hoostaga Muqdisho.

Bishii May, 2019, booliska Hargeysa ayaa u xidhay Cabdiraxmaan Maxamed Cali [Aar] oo wiil dhalinyaro ahaa in uu ku labistay calanka Soomaaliya. Maalmo kadib markii xorriyadiisa uu dib u helay wuxuu usoo baqoolay Xamar halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top