WARARKA SOOMAALI

Soomaliland oo Xabsiga dhigtay Rag u dhashay Imaaraadka Carabta xili ay ka dhoofayeen Hargeysa.

Hargeisa  (HM ) Laamaha ammaanka maamulka Somaliland ayaa waxaa lagu waramayaa in ay xabsi u taxaabeen sagaal qof oo u dhashay Imaaraadka Carabta. Shaqsiyaadkan dhamaantooda waa rag.

Sidda laga soo xigtay mas’uuliyiinta, xubnahaan ayaa aroornimadii Talaadada maanta ah waxaa laga qabtay madaarka diyaaradahu ka haadaan ee Hargeysa Cigaal Airport.

Xubnahaan ayaa waxaa la sheegayaa in loo haysto in ay degaanada maamulkan ka sameeyeen “u gaadhsasho sharci darro ah”.

Taliska Booliska oo xaqiijiyey xadhiga xubnahaan ayaa wuxuu tibaaxay in ay baadhitaano dheeraad ah ku sameyn doonan raggan.

Ajaaniibtan ayaa waxay ka yimaadeen deegaan lagu magacaabo Sabo-wanaag, halkaas oo ay xuseen in ay gaarsiinayaan gargaar, taasoo “Been abuur ahayd”.

“Dadka deegaanka ayaa Taliska Booliska u soo sheegay in xubnahaan ay wadeen u gaadhsi sharci darro ah, markii ay damacsanaayeen in ay ka duulaan Garoonka waanu qabanay,” ayuu yidhi sarkaal sarre oo u hadlay Booliska maamulkan dhaca waqooyiga dalka leh xeebta labaad ee ugu dheer qaarada.

Soomaliland ayaa lagu tiriyaa in ay safka hore uga jirto degaanadda Soomaaliya ee uu ka dhaco u gaadhsiga sharci daradda, taasoo Hay’addaha u dooda xuquuqda Xayawaanka ay marar badan walaac ka muujiyeen.

Imaaraadka iyo maamulka Hargeysa ayaa waxaa ka dhaxeeya xidhiidh wanaagsan, waxaana xukuumadda Abu Dubai ay maalgeshi ku sameyneysaa haatan Berbera oo ay ka hirgelineyso garoon diyaaradeed, horena waxay ula wareegtay Dekeda muhiimka ah ku taalada Xeebta Badda Cas.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top