WARARKA SOOMAALI

Soomaliland:-Muuse Biixi oo wakhti galinaya inuu dabool saaro fadeexada uu kala kulmay Imaanshaha Maxamed Cumar Carte.

Hargeysa (hm) – Jamhuuriyadda la magac baxday Somaliland ayaa shaacisay shuruudo adag oo laga rabo dadka ka soo jeeda deegaanadeeda ee xilalka ka qabta Dowladda dhexe ee Soomaaliya, haddii ay dib ugu laabanayaan magaalada Hargeysa iyo meelaha kale maamulkaasi ka arrimiyo.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta maamulka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in siyaasi kasta oo xil ka soo qabta dowladda Soomaaliya uu ku soo laaban karo deegaanada maamulka Somaliland , balse laga rabo inuu iska casilo xilka, kadibna uu ka tanaasulo mowqofkiisa midnimada ah sida ku xusan warka qoraalka ah.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in marka hore qofka laga rabo inuu fikirkiisa ku caddeeyo qoraal iyo cod, sidoo kalena uusan markale dib ugu laabaneyn dambigaasi.

“Muwaadin kasta ee Reer Soomaalland oo Qaranka iyo ummadda ka galay dambi, xilna ka qabtay dowladda Federaalka  waxaa kaliya ee lagu saamixi karaa markii uu fagaaro ka cadeeyo in uu iska casilay xilkii kana laabtay fikirkii midnimada Soomaaliya kuna cadeeyo qoraal iyo cod,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Somaliland.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu shaaciyey in n Somaliland ay kor kala socon doonto qofkasta oo dhabar jabiyey qaranka, sida ay hadalka u dhigtay.

Ugu dambeyn waxaa qoraalkani digniin culus loogu diray dadka baraha bulshada ee Internet-ka ku faafinaya wararka kale ee liddiga ku ah Somaliland, iyada oo qoraalka lagu sheegay in muwaadiniintu u siman yihiin sharciga iyo dastuurka u yaalla maamulkaasi.

Warka qoraalka ah ee maanta kasoo baxay maamulka Soomaliland ayaa kusoo aadaya iyadoo shalay uu Magaalada Hargeysa ka degay Siyaasiga Maxamed Cumar Carte oo deegaan ahaan kasoo jeeda Soomaliland balse mudo badan ahaa Siyaasi ku sugan Magaalada Muqdisho isla markaana hore usoo noqday Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, arrinta soo laabashadiisa ayaa hadal heyn wayn ka abuurtay deegaanada maamulkaas iyadoo siw weyn ay ugu kala qaybsameen warqado kala duwan ayaa kasoo baxayey maamulka Muuse Biixi kuwaasoo boodh isku qaris u muuqda isla markaana lagu sheegayay in Siyaasiga cafis loo fideyay uu ku yimid Soomaliland isla markaaa ka laabtay Fikirkiisii Soomali weyn tasoo ilaa hada meel uu isagu ku cadeeyay aysan jirin.

Madaxweynaha Maamulka Soomaliland Muuse Biixi ayaa isagu ah shikhsiga dusha loo saarayo imaanshaha aan waxa garowshaha uusan ka bixin ee Maxamed Cumar Carte madaama ay isku beel yihiin, waxaana Muuse Biixi uu dadaal dheeri ah galinayaa siduu u dabooli lahaa fadeexada gudaha Soomaliland ee tallaabadan kasoo wajahday.

Akhriso:

SOMALI NEWS

To Top