WARARKA SOOMAALI

Soomaliland oo fariin u dirtay dalka Guinea Conakry-Akhriso

Hargeysa (HM) ― Maamulka aqoonsi raadiska ah ee Somaliland ee uu hogaamiyo Korneylka hore Muuse Biixi Cabdi  ayaa fariin u dirtay Madaxda iyo shacabka dalka Guinea Conakry ee dhaca Galbeedka qaaradda Africa.

Maamulka Somaliland ayaa ugu hambalyeeysay dalkaasi dabaal-dega sanad guuradii 61-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay xoriyada dib uga qaateen Faransiiska.

Madaxweyne Ku-xigeenka maamulkaasi , Cabdiraxmaan Saylici oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa si weyn ugu hambalyeeyay Mas’uuliyiinta iyo shacabka dalkaaasi, munaasibada xuska maalinta qaranimadooda oo ku beegneyd Khamiista todobaadkii hore.

Saylici ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey inuu rajo badan ka qabo in hore loo sii amba-qaado xidhiidhka Somaliland iyo Guinea Conakry, isla markaan la sii balaadhin doono dhinacyda iskaashi ee ka dhaxeeya labada dhinac, sida uu hadalka u dhigay.

Maamulka Somaliland ayaa xidhiidh cusub oo saaxiibtinimo la yeelatay dalkaasi Guinea, kadib markii uu Muuse Biixi uu socdaal ku tagay caasimada dalkaasi, isagoona loogu soo dhaweeyay si meeqaam sarre walow aan la arag meel ay ku kulmeen Muuse Biixi iyo Madaxweynaha dalkaas.

Safarkaasi Biixi ayaa si kala duwan looga hadlay xiligaasi, iyadoona dowlada federaalku ay xiligaasi xiriirka u goysay dowladda Guinea Conakry, maamulka Soomaliland ayaa citiraaf caalamka siiba dalalka yurub iyo Afrika ka raadinaya mudo 22 sano ku dhow balse ilaa hada maysan soo haaban hase ahaatee waxay ku adkaystaan madax banaani.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top