WARARKA SOOMAALI

Soomaliland: Muuse Biixi oo ka hadlay Qaraxii ka dhacay Gobolka Togdheer-Video

Laascaanood (HM)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax miino oo shalay galab ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Balli-dhiig ee gobolka Togdheer, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac.

Gaadhi Bas ah oo la sheegay in ay la socdeeen arday wax ka dhigata iskuulka Ina Sanweyne ayaa waxaa la kacday qarax miino, waxaana halkaasi ku dhintay Cali Ibraahim Sii-arag oo la socday baska qaraxu haleelay halka dhoor ardayna ku dhaawacmeen qaraxa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay qaraxan iyo khasaaraha ka dhashay ayaa tacsi u diray ehelada marxuumka qaraxa ku dhintay, waxa uuna caafimaad u rajeeyay ardayda ku dhaawacantay qaraxaasi miino.

Saraakiil katirsan laamaha amaanka maamulka Somaliland ayaa sheegay in baaritaano lagu sameyn doono qaraxan miino ee haleelay gaariga ay la socdeen ardayda wax ka dhigata Iskuulka Ina Sanweyne.

Horufadhi News

This image has an empty alt attribute; its file name is qarax-s.jpg

SOMALI NEWS

To Top