WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland Manhajka Diinta Kiristaanka ee ku faafay oo laga digay & xog ku saabsan-Video

Hargeysa (HM) –Maamulka Somaliland ayaa digniin kasoo saaray warar maalmihii u dambeeyay si weyn ugu faafay baraha bulshada, kuwaasi oo la xidhiidhay in qaar kamid ah dugsiyada wax lagu barto ee deegaanadaasi ay bixiyaan manhaj kasoo horjeeda Diinta Islaamka iyo dhaqanka Suuban.

Maadooyinkaasi ayaa lagu soo waramayaa inay qaarkood ku saabsan yihiin diinta Kiristaanka, iyadu oo uu si weyn uga hor-yimid Wasiirka waxbarashada Somaliland, Axmed Maxamuud Diiriye (Toomo).

Wasiirka Toomo ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in dugsiyada Somaliland lagu dhigto manhaj ka duwan midka ay diyaariyeen, isla markaana ay mas’uul ka yihiin manhajka iyo buugaagta dugsiyada lagu dhiganayo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiirka ayaa sheegay inay sameeyeen buuggaag manhajka Somaliland oo Diinta waafaqsan, isla markaana ciddii buugaagtaas dhigi weydaa ay xeerka waxbarashada jebisay.


Wuxuuna ku hanjabay in ciddii arrintaas lagu helo ay ka qaadi doonaan talaabo sharciga waafaqsan, maadama ay baal-mareen manhajka ay wasaaradu u dejisay in dugsiyada lagu dhigto.

Ugu dambeyntiina waxa uu Wasiirku ka dhawaajiyay inay waajib tahay in dugsiyaddu ay qaataan manhajka Somaliland, isla markaana ay wax ku baraan ardayda dugsiyada, isagoona tilmaamay in haddii ay dugsiyadu ka dhago adeygaan arrinkaasi ay ku qaadi doonaan dambigaas.

Waxaana xusid mudan in Agaasimihii waaxda manaahijta ee wasaarada waxbarashada Somaliland uu xilkii uga qaaday Wasiirku, kadib markii ay soo baxday inay meesha ka baxday ‘kor joogteyn la’aanta dugsiyada iyo daba socodkooda ku aadan manhajka’.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay maalmihii u dambeysay soo shaac baxeysay in manhaj ka duwan midka Somaliland lagu dhigo dugsiyadeeda, kuwaasi oo qaarkood la xidhiidhiyey diinta Kiristaanka.  

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top