WARARKA SOOMAALI

Soomaaliya oo ka maarmaysa alaabtii ugu imaan jirtay Imaaraadka Carabta-Video

Muqdisho ( HM ) Dekedda magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu Qabtay Munaasibad lagu daah furay shirakadda ganacsiga Djibouti Shipping Company oo maanta markabkii ugu horeeysay oo shirkadaasi leedahay uu ku soo xidhay dekada Muqdisho.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Maxamed Cabdixaliim, wakiilka shirkadda  ayaa sheegay in shirkadooda 14 maalin oo keli ah kaga keeni doonto Turkiga halka shirakadaha kale safarkoodu ahaa ugu yeraan 45 cisho.

Farhat Akkat oo ah maamulaha shirkadda Albeyrak ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan shirkadda cusub ee qaabilsan daabulidda shixnadaha ganacsi, isla markaana si toos ah isugu xidhaysa Soomaaliya iyo Turkiga.

Wasiirada ganacsiga, Maaliyadda iyo mas’uuliyiinta rugta ganacsiga oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay in ay tani bilow cusub u tahay ganacsiga Soomaaliya iyo dalalka kale, maadaama shirkaddii ugu horeysay oo toos alaabaha ganacsiga uga keeneyso maanta suurtagashay.

Markabka African Sun ayaa labadii bishan ka soo baxay marsada Istanbul, kaas oo u raran shirkadda laga leeyahay Djibouti, taas oo si toos ah alaabaha ganacsiga uga keeni doonta dalka Turkiga, halka markii hore la soo mari jirey meelo kale oo ay kamid tahay dekadda Dubai.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top