WARARKA SOOMAALI

Somaliland oo Ciidamo Militari ah soo dhoobtay Xaafaddaha Magaalada Laascaanood iyo 60 Qof oo ku xidhan Xabsiga-Akhriso

Laascaanood (Horufadhi News)-Maamulka Somaliland ayaa Xalay ciidamo militari ah Soo dhoobay inta badan xaafadaha magaalada Laascaanood oo shalay uu ka dhacay Muddaharaad looga soo horjeedo joogitaanka Maamulka Somaliland ee magaalada Laascaanood iyo guud ahaanba gobolka Sool.

Wararka Saaka halkaasi ka imaaanaya ayaa sheegaya in ciidamo ku lebbisan tuutaha militariga Somaliland lagu arkayo xaafadaha kala duwan ee ay ka koobantahay Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Qaar kamid ah Dadweynaha magaalada ayaa sheegay in ciidamadan militariga ah loo keenay si ay u xakameeyaan muddaharaadyada rabshadaha wata ee maalmihii u dambeeyay ka socday  Laascaanood,kadib markii Booliiska Somaliland  ay xakameyn waayeen banaanbaxayada looga soo hor jeedo.

Muddaharaadyo lagu taageerayo dagaalka ay Puntland ku dhawaaqday ee lagu soo celinayo degaannada  gobolka Sool ayaa maalmahan ka socday Magaalada Laascaanod,waxaana ka dhashay khasaare dhaawac iyo burbur hantiyeed,sidoo kale Booliiska  Somaliland ayaa muddaharaadkii shalay ku xidhay Dad gaadhaya 6o ruux oo u badan Dumar iyo Carruur .

Dadka lagu xidhay Laascaanood ayaa waxaa sidoo kale ku jira weriyaal ka hawlgala Warbaahinta madaxa-bannaan iyo waxgarad ay Somaliland ku eedaysay in ay kicinayaan shacabka.

Xaaladda Magaalada Laascaanood ayaa maanta deggan,waxaana aad u yar isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee magaalada dhexdeeda,iyadoo shacabka lagu amray in aysan isu imaan karin,sida ay sheegeen dad ku sugan halkaas oo aan la hadalnay.

 

SOMALI NEWS

To Top