WARARKA SOOMAALI

Siihayaha Wasiirka A/Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Wakiil cusub

Siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Balal Maxamed Cusmaan , ayaa xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga Wakiilka cusub ee Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Daryeelka Caruurta (UNICEF) u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Wafaa ElFadil Saeed Abdelatef.

Intii lagu guda-jiray kulanka qaabilaadda, ayaa waxaa lagaga wadahadlay dhowr qodob oo muhiim u ah labada dhinac oo ay ka mid yihiin sare u qaadidda iskaashiga mira-dhalka ah.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga arrinsaday xoojinta wadashaqaynta xooggan ee Soomaaliya kala dhexeeya Qaramada Midoobey iyo hay’adaheeda gaarka ah si loo gaaro ujeeddada la hiigsanayo oo macno wax ku ool ah ku leh dano wadaagga.

Siihayaha Wasiirka A/Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Wakiil cusub
To Top