WARARKA SOOMAALI

Duqa Muqdisho oo Amar kusoo rogay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa faray maamulada degmooyinka iyo dadweynaha Caasimadda u diyaar garowga maalmaha xorriyadda.

Cumar Filish ayaa amar ku siiyey Guddoomiyeyaasha degmooyinka in la xoojiyo bilicda Magaalada, guryaha laamiyada saaran iyo goobaha ganacsigana la suro calanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa Guddoomiye degmo kasta ka rajeeyay inuj fulin doono amarka uu soo saaray.

Munaasabada 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo oo ay naga xigaan maalmo kooban ayaa sanad kasta loo dabaaldegaa maalmaha xoriyadda dalka, isla markaana dowladda Federaalka iyo maamulada ayaa qabtaan munaasabaddo.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Duqa Muqdisho

Duqa Muqdisho oo Amar kusoo rogay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka
To Top