WARARKA SOOMAALI

Shuruudaha laga rabo Musharaxiinta Madaxweynaha oo Caawa lasoo saaray

Guddiga qaba-qaabada doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray shuruudaha looga baahan yahay Musharaxiinta dooneysa inay u tartamaan xilka Madaxweynaha.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Madaxweynaha dalka ayaa waxaa lagu sheegay in Musharaxiinta looga baahan yahay Warqada Codsiga xilka Musharaxnimo iyo mida aqoonsiga (ID ama Baasaboor).

Sidoo kale shuruudaha ayaa waxaa ku jira Warqada soo jeedinta Musharaxa iyo Warqada caddeyneysa buuxinta shuruudaha Musharaxnimo, Warqada caddeynta lacag qabashada iyo tan aqbalaada iyo u hoggaansamida natiijada doorashada.

Shuruudaha laga rabo Musharaxiinta Madaxweynaha oo Caawa lasoo saaray
To Top