WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Dowladda oo isku furay waddooyin Al-shabaab ay Go’doomiyen 10 sanno

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa qeybta 60-aad ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgal waddo furis ah ka sameeyeen degmooyin ka tirsan Gobolada Baay iyo Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamada Xoogga iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa isku furay waddooyinka isku xira degmooyinka Waajid, Tiyeeglow iyo Qansaxdheere oo Gobolada Baay iyo Bakool ka kala tirsan, halkaas oo ay Go’doomiyeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Howlgalkaan ayaa waxaa hoggaaminayay Abaanduulaha Ururka 45-aad, guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee Xoogga dalka Maxamed Nuur Gurey, wuxuuna sheegay in Maanta ay suura-gashay inay isku furan waddooyin go’doonsanaa muddo toban sanno ah.

Saraakiisha Ciidamada Ururka 45-aad, guutada 8-aad, qeybta 60-aad ayaa sheegay in Al-shabaab laga saaray goobihii ay ka joogeen jidadka isku furay ee ka kala tirsan Waajid, Tiyeeglow iyo Qansaxdheere ee Gobolada Baay iyo Bakool.

Ciidanka Dowladda oo isku furay waddooyin Al-shabaab ay Go’doomiyen 10 sanno
To Top