WARARKA SOOMAALI

Shirkii Golaha Wasiirada Somalia oo gebi ahaan looga hadlay dagaalka Al-shabaab

Shirkii Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo looga hadlay hawl-gallada dib-u-xoraynta deegannada ay gacanta ku hayaan Al-shabaab, ayaa lagu bogaadiyay guulaha ay ciidanka qalabka sida iyo kuwa deegaanku ka gaareen howl-gallada ka socda qaybo badan oo ka mid ah goballada dalka.

Kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre, ayaa wasaaradaha Difaaca iyo Amniga dalka looga dhagaystay warbixinno ku saabsan howl-gallada guuleystay ee Al-shabaab looga xorreeyay deegaano badan, qorshaha sugidda amniga iyo xasillinta magaalooyinka la xoreeyay.

Toddobaadkii hore ayaa Golaha Wasiirradu waxa ay magacaabeen Guddiga abaabulka iyo isku dubarridka howlaha dagaalka Al-shabaab, waxaana wasaaradihii guddigaas ka midka ahaaa  uu maanta golohu ka dhageystay qorshayaasha ay ka dejiyeen iyo waxqabdka ilaa hadda ay ka sameyeen doorkooda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in qorshaha Xukuumaddu yahay in guud ahaan dalka laga xorreeyo Al-shabaab, isla markaana degaan kasta oo la xoreeyey la gaarsiiyo dowladnimada iyo adeegyada bulshada si deg deg ahna looga sameeyo maamul iyo kala danbayn.

Shirkii Golaha Wasiirada Somalia oo gebi ahaan looga hadlay dagaalka Al-shabaab
To Top