WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Al-shabaab oo Dagaal ku dishay Nabaddoon caan ahaa Hiiraan

Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa waxa uu Maanta deegaanka Ceel-qooxle oo 40-KM dhanka bariga ka xiga deegaanka Moqokori ee Gobalka Hiiraan ku dhexmaray Ciidanka dowladda, Ciidanka deegaanka ee macwiileyda ah iyo Al-shabaab.

Wararka aan heleyno ayaa waxaa uu sheegayaan in dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ka dambeeyay, kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhiga Ciidanka deegaanka ku lahaayeen Ceel-qooxle.

Dagaalka ayaa waxaa dadka ku dhintay ku jira mid kamid ah Nabaddoonada ugu caansanaa Gobolka Hiiraan, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cilmi Hagar Guure, isla markaana qeyb ka ahaa Nabaddoono todobaadyadii lasoo dhaafay dagaal kula jiray Al-shabaab.

Tacsida loo dirayo Nabaddoonka geeriyooday ayaa hareeysay baraha Bulshada, weli lama oga khasaaraha kale ee ka dhashay dagaalkii xooganaa ee saaka ka dhacaay deegaanka Ceel-qooxle oo 40-KM dhanka bariga ka xiga deegaanka Moqokori.

DEG DEG: Al-shabaab oo Dagaal ku dishay Nabaddoon caan ahaa Hiiraan
To Top