WARARKA SOOMAALI

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka.

Shirkan ayaa looga arinasanayaa xaaladda amniga dalka gaar ahaan wajiga labaad ee howlgalka dib u xoreynta, dhameystirka deyn cafinta iyo dhaqangelinta heshiisyadii horey ay u gaareen golaha wadatashiga qaran.

Shirka waxaa ka soo qaybgalay, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Shirka ayaa waxaa ka maqan Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Garoowe, oo ay ka socoto qaban-qaabad doorashada berrito ay bilaabaneysa deegaanada Puntland.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho
To Top