WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo War xasaasi ah kasoo saaray Doorashooyinka Puntland

Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrimaha Doorashooyinka golayaasha degmooyinka Puntland ee 25-ka bishaan ka dhacay Puntand.

Madaxweyne Farmaajo oo Qoraal soo saaray ayaa waxa uu ku bogaadiyey Madaxda Puntland iyo dadka codkooda dhiibanaya, wuxuuna kusifeeyey talaabo wanaagsan.

“Ugu horreyn waxaan reer Puntland, bulsho iyo maamulba, ku bogaadinayaa sida ay ugu istaageen hirgelinta doorashada Goleyaasha Deegaanka ee dadku ay codkooda ku dooranayaan hoggaanka deegaannadooda” ayuu yiri Farmaajo.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay in ay hamuun weyn u qabaan in ay doortaan madaxdooda oo ay tahay, arrintaas oo horey dawladdiisii dadaal ugu bixisay, ayna tahay hadda in ay gaaraan dhammaan dawlad gobaleedyada ilaa Federaalka Soomaaliya.

“Hannaankan doorashada tooska ah in ay ka hirgasho Puntland waxay tusaale u tahay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu hamuum-qabaan in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, arrinkaas oo aan horey dadaal ugu bixinnay, lana jecel nahay in ay gaaraan dhammaan deegaannada dalkeenna, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Madaxweyne Farmaajo.

Puntland ayaa waxa 25-ka bishan May 2023 ka dhacaya doorashooyinka Golayaasha deegaanada Maamulkaas, waxaana doorashooyinka oo qof iyo Cod ah taageeray Wakiilada Beesha Caalamka.

Madaxweyne Farmaajo oo War xasaasi ah kasoo saaray Doorashooyinka Puntland
To Top