WARARKA SOOMAALI

Shil naxdin leh oo ka dhacay duleedka Garoowe iyo khasaaro ka dhashay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay duleedka Bari ee Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Shilkaas ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo mid uu ahaa nooca Soomaalida u taqaano iska rogaha, xili ay isaga hor yimideen halkii laga raray Kantaroolka dhanka bari ee Caasimadda Garoowe.

Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku geeriyooday shilkaas dhacay, halka laba qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo si deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad oo haatan lagu dabiibayo.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka waddooyinka Maamulka Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay u sheegeen inay weli wadaan baaritano kala duwan oo ku aadan sababta keentay shilkaas gaari ee khasaaraha geystay.

Muddooyinkii ugu dambeeyay deegaanada Maamulka Puntland ayaa waxaa kusoo badanayay shilalka gaadiidka, isla markaana waxaa inta badan sababa gaadiidka xawaaraha sare ku socda iyo burburka waddooyinka qaarkood.

SOMALI NEWS

To Top