WARARKA SOOMAALI

Sheekh siweyn Soomaalida u taqaanay oo geeriyooday

Allah ha unaxariistee Sheekh Cali Warsame oo kamid ahaa Culimadda Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa ku geeriyooday dalka Urdun.

Sheekh Cali Warsame Xasan ayaa u geeriyooday xanuun muddooyinkii dambe hayay.

Wasiirka warfaafinta, Wasiir ku-xigeenka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa si isku mid ah uga tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Sheikh Cali Warsame, waxayna Alle uga baryeen inuu janadii fardowso ka waraabiyo, ehelkii iyo asxaabtii ka tagayna samir iyo iimaan Alle ka siiyo.

Sheekh Cali, waxaa uu si weyn uga soo horjeeday fikirka qaloocan ee Alshabaab ku banaysatay dhiiga dadka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed, isagoo kamid ahaa guddigii culimada ee 2009 Axmed Cabdi Godane kala dooday afkaartooda ku saleysan gaaleysiinta muslimiinta.

Sheekh siweyn Soomaalida u taqaanay oo geeriyooday
To Top