WARARKA SOOMAALI

MW ku-xigeenka Puntland oo Maanta daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee P/L

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta daah-furay Imtixaanka Sanad dugsiyeedka 2021-2022.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Imtixaanka ka daahfuray dugsiga Sare ee Gambool ayaa hambalyo u diray Ardayda saaka u fadhiisatay Imtixaanka oo ka kooban 18550 Arday oo isugu jira Fasalka 4-aad ee dugsiga Sare iyo Fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe.

Dugsiga sare waxaa sanadkan u fadhiistay Imtixaanka 5940 Arday oo kala ah 3667 Wiil iyo 2273 gabdhood, halka dugsiga dhexe ay u fadhiisteen 12610 arday oo kala ah 5308 gabdhood iyo 7302 Wiil, Imtixaanka ayaa saaka ka furamay 136 goobood iyada oo ay fulinayaan 948 Macalin iyo 189 hawl-wadeen.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa uga mahadceliyay bahda waxbarashada shaqada wanaagsan ee ay hayaan,

Dhanka kale Kusimaha Madaxweynaha ayaa xusay in dowlad Goboleedka Puntland ay ka go’an tahay horumarinta waxbarashada. Ugu dambayn Madaxweyne ku xigeenka ayaa faray masuuliyiinta gacanta ku haya hawshan inay feejignaan dheeri ah muujiyaan mudada Imtixaanku socdo.

MW ku-xigeenka Puntland oo Maanta daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee P/L
To Top