WARARKA SOOMAALI

Shaqooyinkii Garoomada Diyaaradaha ee Kuuriyada Koonfureed oo la hakiyey

Dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay ka jiray Digniin la xiriirta inuu ku soo fool leeyahay burburka Dayax-Gacmeed laga lahaa Mareykanka oo hawlgab noqday.

Dayax-Gacmeedkaasi oo Hawada Sare loo ganay bishii October 5-dii ee sanadkii 1984-kii ayaa waxaa laga digay inuu ku soo fool leeyahay dhulka.

Mar sii horeysay, Wasaaradda Sayniska iyo Teknoolajiyada ee dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa waxay sheegtay inuu Gacan-biyoodka Kuurya qeyb ka tahay goobaha laga cabsi qabo inuu Dayax-Gacmeedku ku soo wajahan yahay..

Sarkaal ka tirsan Machadka Kuuuryada Koonfureed ugu qaabilsan Cilmi-baarista Cilmiga Xiddigiska (The Korea Astronomical Research Institute) ayaa tilmaamay in la filayo inuu Dayax-Gacmeedkaasi u burburo qeyb-qeyb, iyadoo qaar ka mid ah Burburkaasi ku soo hooban doono Deegaan ballaaran.

Dhanka kale, Garoonka diyaaradaha ee ugu weyn dalka Kuuriyada Koonfureed ee Incheon International Airport (IIA) ee ku yaalla caasimadda Seoul iyo Garoomada kale ee Maxaliga ee dalkaasi ayaa si KMG ah loo dhaliyey dhamaan Duullimaadyada sababo dhanka Amaanka iyo suurtogalnimada inuu Dayax-Gacmeedka dul-maro Hawada Sare ee Gacan-biyoodka Kuurya.

Shaqooyinkii Garoomada Diyaaradaha ee Kuuriyada Koonfureed oo la hakiyey
To Top