WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Darawal Mooto Bajaaj oo si bareer loogu dilay Degmada Balcad

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta si bareer ah u dilay darawal Mooto Bajaaj, waxaana falkaas uu ka dhacay meel ku dhow Xarunta degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dad la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in xilligii la dilayay darawalka Mooto Bajaaj ui ka yimid tuulada Carafaag oo ku taal inta u dhexeeysa Balcad iyo Muqdisho, waxaana uu darawalka u geeriyooday rasaas lagu dhuftay.

Dilka darawalka ayaa waxaa uu ka danbeeyay, kadib markii Askariga iyo marxuumka uu muran kooban soo kala dhex-galay, waxaana la sheegay in darawalka Mooto Bajaaj ay la socdeen Askar ciidan, xilligii la dilaayey.

Askariga dowladda Federaalka ee falka geystay ayaa goobta ka baxsaday markiiba, dhowr jeer oo hore ayey sidaan oo kale darawalo Bajaaj loogu dilay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO: Darawal Mooto Bajaaj oo si bareer loogu dilay Degmada Balcad
To Top