WARARKA SOOMAALI

Shacabka Galmudug oo ka codsaday Ahmed Macalim Fiqi inuu isu soo sharaxo jagada M/weynenimo.

Xoghaya guud ee urur siyaasadeedka DALJIR ayaa dad badan oo gobolada  Mudug iyo Galduud ka soojeedaa ugu baaqeen inuu isu soo taago xilka madaxnimada ee uu dhawaan baneeyey Abdikareem Hussein Gulleed, waxana baraha bulshada si weyn uga socda olole balaadhan oo dhalinyarada, ururada bulshada iyo aqoonyahanka deegaamadaasi ku dalbanayaan in Mr Fiqi ku dhawaaqo musharaxnimadiisa.

Dadka ayaa ku tilmaamay Mudane Ahmed Macalim Fiqi inuu yahay shakhsiga keliya ee xaaladda adag ka saari kara maamulka Galmudug, isla markaana ah sin daacadnimo iyo hawlkarnimo ku caan ah.

SAWIRKA DHALINYARADU BARAHA BULSHADA KU FAAFIYEEN.

Shabakada Horufadhi ma cadeyn karto in Mudane Fiqi aqbalay baaqa shacabka Galmudug, wuxuuna Ahmed Macadam Fiqi iyo ururkiisa DALJIR si weyn uga dhex muuqdeen ololihii isbedel doon oo xildhibaanada xisbigoodu aad ugu suxul duubeen in dalka laga badbaadiyo kooxdii Damaljadiid walow ay muuqatow in Madaxweyne Farmaajo Albaabada ka xidhay, balamihiina kaga wada baxay, balse ayagu ay gutteen waajibkoodii isbedel ka dhaca dalka iyo in kooxdii Daamal jadiid ee Musuq Maasiqa ahayd la dhaafiyo dalka.

Fiqi ayaa sidoo kale ah nin sumac weyn ku leh bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda.

[email protected]

SOMALI NEWS

To Top