WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:Madaxweyne Farmaajo oo siweyn loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusanareeb ee caasimadda Galmudug, halkaas oo uu ku guddoominayo Shirka Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ee qabsoomidda doorashada dalka.

Shirkan oo socon doona 1-da ilaa 3-da bishan Febaraayo ayaa ku saleysan dhaqan gelinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxda Heer Dowlad Goboleed ayaa ka arrinsanaya qorsheyaasha muhiimka u ah hannaanka geeddi socodka siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka.

Madaxweyneyaasha maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Lafta-gareen ayaa goor sii horeysay oo Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa la filayaa inay berrito gaaraan Magaalada Dhuusamareeb, si ay uga qeyb galaan Shirka looga hadli doono xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka taagan doorashada.

SOMALI NEWS

To Top