WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:-Ra’iisul Wasaare Rooble oo xilalka u kala wareejiyay Wasiiro

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta xilalka u kala  wareegayay laba Wasiir oo kamid ah Xukuumaddiisa oo maalmo kahor isku bedelay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xilalka si rasmi ah Maanta oo khamiis ah ugu kala wareejiyay Wasiirka  cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdulqadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Wasiirka cusub ee Caddaalada Xasan Xuseen Xaaji.

Wasiir Cabdulqadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa  horey u ahaa Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, halka Xasan Xuseen Xaaji uu isna horey u haayay xilka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xafladda xil wareejinta oo ka dhacday Xafiiska Rooble ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Wasiir ku-xigeenno, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Agaasimyaasha labada Wasaaradood.

SAWIRRO:-Ra’iisul Wasaare Rooble oo xilalka u kala wareejiyay Wasiiro
To Top