WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Golaha Wasiirada oo Cambaareeyay isku daygii afgambigii fashilmay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxa ay uga hadleen arrimo muhiim oo khuseeya xaaladda dalka ,siyaasadda, amniga iyo doorashooyinka dalka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in Golaha ay Cambaareeyeen isku daygii afgambigii fashilmay ee 27ka December lagu soo qaaday Xarunta Gollaha Wasiirada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyaga oo muujiyay sida ay uga xun yihiin falkaas.

Golaha Wasiirrada ayaa  isku raacay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo cidii ku lugta lahayd duullaankii lagu qaaday hey’adaha dastuuriga ee dalka ,isaga oo Ra’iisul Wasaaruhu uu soo magacaabi dooni guddi ka kooban 5 xubnood oo baaris dhameystiran ku sameeya sidii ay wax u dhaceen.

Gollaha Wasiirada waxa kale uu ansixiyay Xisaab Xirka miisaaniyadda dowladda ee 2020kii. Waxa kale la ayiday qorshaha sugidda amniga caasimadda oo ay soo bandhigtay Wasaaradda Amniga Gudaha kaas oo faraya in la sameeyo ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Golaha Wasiirada oo Cambaareeyay isku daygii afgambigii fashilmay
To Top