WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:-Agabka Doorashada Golaha Shacabka oo la geeyay Magaalo ka tirsan…

Duqa Magaaladda Beladweyne ee xarunta Gobalka hiraan Marwo Nadar Tabaax Maalin iyo hay’adaha Amniga ayaa la wareegay Qalabka loogu talo galay Doorashooyinka Golaha Shacabka ee lagu qabanayo magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka hiiraan.

Marwo Nadar ayaa sheegtay muhiimada aay leedahay in Doorashada ay ka dhacdo magaalada Beledweyne waxa ayna bulshada rer Beladweyne ugu baaqday ineey ka shaqeeyan nabada iyo sidii loo soo dhaweyn lahaa Dadka Qeybta ka Noqon doona Doorashada.

Dhawaan ayaa lagu wada in doorashad 25-kursi oo ka mid noqonayo Golaha Shacabka lagu qabto magaalad Beladweyna, iyadoon dhamaan Gobolada dalka ay ka socdaan u diyaar garowga bilaabashada doorashada Golaha Shacabka

Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Hirshabeelle  ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa inay ka bilaabato Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

SAWIRRO:-Agabka Doorashada Golaha Shacabka oo la geeyay Magaalo ka tirsan…
To Top