SOMALI NEWS

Axmed Madoobe oo gaaray Garoowe iyo u jeedka Safarkiisa

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa goordhaweyd si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa soodhaweeyay Madaxweynaha maamulkaasi Siciid Cabdulaahi Deni iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulkaasi Puntland.

U jeedka safarka Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in kulamo siyaasadeed uu la yeelan doono dhiggiisa Puntalnd Siciid Cabdulaahi Deni, waxaana inta uu Garoowe ku sugan yahay ay ka wada hadli doonaan arrimo ku aaddan doorashooyinka dalka.

Safarka Axmed Madoobe ayaa kusoo aadaya,iyadood alku uu doorsho ku jiro, lana guda gali doono doorashada Golaha Shacabka, waxaana wada hadalada iyo kulamada labada mas’uul uu yahay mid quseeya arrimaha doorashooyinka dalka.

Axmed Madoobe oo gaaray Garoowe iyo u jeedka Safarkiisa
To Top