WARARKA SOOMAALI

Sawirka Maanta:-Wasiiro ka tirsanaa Maamulka Soomaliland oo Muqdisho dhex socda..

Muqdisho ( HM) Sidii aanu Horay u baahinay waxaa dhowaan magaalada Muqdisho gaadhay Wasiiro ka tirsanaa Xukuumadii Somaliland, ee uu Hogaamiyey Axmed Siilaanyo.

Maanta oo Jimce-ahayd ayaa waxaa la Arkayey Iyagoo dhex lugaynaya Suuqyada magaalada Muqdisho, Islamarkaana soo Tukaday Salaada Jimce.

Masuuliyiinta ka tirsanaa Somaliland ee Muqdisho usoo Wareegay waxaa kamid ah Xasan Daahir Dhimbil oo horay u ahaa wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Somaliland, Khadar Axmed Diire Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda Caddaaladda iyo  Axmed Keyse Guray oo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland soo noqday.

SOMALI NEWS

To Top