WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga oo Muqdisho lagu toogtay & wararkii ugu dambeeyay-Video

Muqdisho (HM)-Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan dilkii galabta xiligii qorax dhaca loogu geystay magaalada Muqdisho Jen. Yuusuf Cali Khasaaye (Yuusuf Cagey) oo ka tirsanaa saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sida wararku sheegayaan waxaa dilka Jananka geystay sarkaal kale oo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka oo ugu tegay hoygiisa oo ku yaalla agagaarka Ex-Warshadii Caanaha ee degmada Hodan.

HALKAN KA DAAWO

Dilka Jananka ayaa la sheegay inuu salka ku hayo muran la xiriira dhul la isku heysto, iyadoo ciidamada amaanku ay xabsiga dhigeen sarkaalkii dilka geystay oo lagu guuleystay in la qabto.

Jen. Yuusuf Cali Khasaaye (Yuusuf Cagey) ayaa ka mid ahaa saraakiishii hogaamineysay ciidamadii Xoogga dalka oo sanado ka hor Al-shabaab ka saaray Magaalada Muqdisho, waxaana arrin nasiib daro lagu tilmaamay in taliye sidaas u qiimo badan uu ku baxo gacanta ciidamada dowlada.

 

SOMALI NEWS

To Top