WARARKA SOOMAALI

Saciid Deni oo shaaciyay inuu yahay Musharax Madaxweynaha Soomaaliya

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Caawa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Madaxweynaha Puntland Jaamac Dabaraani ayaa waxaa uu ku shaaciyay in Madaxweyne Saciid Deni uu yahay Musharax Madaxweyaha dalka Soomaaliya, xili hore warar soo baxayay ay sheegayeen inuu Deni sharaxnaa.

“Madaxweyne Deni wuxuu u taaganyahay xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waa hoggaamiye samata bixin kara dalkeena. Soomaaliya waxay u baahantahay in dadku codeeyo iyo in nabad la helo labadaasina isaga ayaa ku suntan” ayuu yiri Afhayeen Jaamac Dabaraani.

Madaxweynaha Puntland ayaa galabta kulan la qaatay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo doortay Maamulkaas, isagoo ugu hambalyeeyay guushii ay gaareen, sidoo kalena u rajeeyay inuu Alle xilka u fududeeyo.

Saciid Deni oo shaaciyay inuu yahay Musharax Madaxweynaha Soomaaliya
To Top