WARARKA SOOMAALI

RW Rooble oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Federaalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yusuf.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Guddoomiye Muuse Geelle ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday hirgalinta Jadwalka shahaaddo siinta iyo dhaarinta Xildhibaannada Golaha Shacabka ee guddigu shaaciyay.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga arrinsaday dhammeystirka doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee weli ku harsan dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Hirshabeelle oo aan weli dhammeeynin doorashada.

Maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa gaba-gabeeyay doorashada  Golaha Shacabka, waxaana ku harsan oo kaliya Hirshabeelle iyo Jubbaland oo caqabad siyaasadeed ka heysato deegaan doorashada labaad

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo maalmo kahor Koonfur Galbeed iyo Galmudug kasoo horjeesteen Jadwalkii dhaarinta Xildhibaanada oo ay soo saareen Guddiga doorashooyinka heer Federaal, iyadoona labada maamul Jadwalka ku tilmaamay mid sharci darro ah.

RW Rooble oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Federaalka
To Top