WARARKA SOOMAALI

RW Xamse oo ballan qaad kale u sameeyay Ciyaartooyada Somalia ee koobka qaaday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Hamza Abdi Barre ayaa casho sharaf ugu sameeyay Magaalada Addis Ababa cayaartoyda Kooxda Xulka Qaranka ee 17 jirrada oo ku guuleystay koobka cayaaraha Bariga iyo Bartmaha Afrika ee CECAFA.

Kooxda oo cayaartii u dambeysay uga adkaatay kooxda South Sudan 3 iyo 1, ayaa waxaa Maanta ay koobka geyn doonaan magaalada caasimada ee Muqdisho, sida uu shaaciyey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Munaasabadda cashada ee uu Ra’iisul Wasaare Xamse Barre u sameeyay Ciyaartooyda ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Goleyaasha dowladda.

Xulka qaranka Soomaaliya ee 17-sanno jirada ayaa Maanta kasoo degaya Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, isla markaana waxaa socda diyaar garoow lagu soo dhaweynayo ciyaartooyda.

RW Xamse oo ballan qaad kale u sameeyay Ciyaartooyada Somalia ee koobka qaaday
To Top