WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Wiil dhallinyaro ah oo si xun loogu dilay Magaalada Muqdisho

Kooxo la sheegay inay ahaayeen Ciyaal weero ayaa xalay waxaa ay degmada Dharkenleey ee Gobolka Banaadir ku dileen wiil dhallinyara ah, iyaga oo goobta ka baxsaday.

Marxuumka oo lagu magacaabijiray Ciise Sheekh Ibraahim ayaa dilkiisa ay Ciyaal weerada u adeegsadeen Toorey xilli uu marayay inta u dhexeysa Dabaqeenka iyo Suuq liif ee degmada Dharkenleey.

Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo ehelkiisa ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay, iyaga oo Xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da geeyay meydka Wiilka yar ee toireeyda lagu dilay.

Waalidiinta Marxuum Ciise Sheekh ayaa dalbaday in Cadaalad loo helo dilka Wiilkooda, iyaga oo sheegay in Ciyaal weero ay dhibaato kuhayaan Shacabka Gobolka Banaadir gaar ahaan dadka kunool degmada Dharkenleey.

Wararkii ugu danbeeyay Wiil dhallinyaro ah oo si xun loogu dilay Magaalada Muqdisho
To Top