WARARKA SOOMAALI

R/W Kheyre oo dalka uga bixi doona safarkii ugu horeeyay (Halkee?) VIDEO

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa lagu wadaa inuu galo Safarkiisa ugu horeeyay tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra’isul wasaarenimo.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Safarkiisii ugu horeeyay ku gaari doona dalka Qadar oo kamid ah dalalka garabka siiya Dowlada Somalia.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ayaa lagu marti galiyay Madasha Doxa Forum oo ay ka qeyb galayaan Hay’ado caalami ah.

Madasha lagu marti galiyay Ra’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka noqon doona Siyaasiyiin iyo Hay’ado dhowr ah kuwaa oo bixiya deeqaha.

Warar hoose oo aan ka helnay Xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka ayaa sheegay in Safarkiisa uu ku beegan yahay 13-ka bishan oo ay naga xigto laba maalin oo qura.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa dalka Qadar ku sugnaan doona muddo 3 maalin ah sida aan xogta ku helnay waxa uuna shirka Doxa Forum socon doona laba maalin.

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa mudada uu joogi doono dalka Qadar kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda qeybta ka ah shirka waxa uuna halkaa kusoo saxiixan doonaa Heshiisyo.

Waxaa sidoo kale la filayaa inuu soo dhameystiro heshiiska kheyraadka badda Soomaaliya looga iibiyey hay’adda Indian Ocean Tuna Commission.

HALKAN RIX VIDEO DAAWO

SOMALI NEWS

To Top