WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble oo soo saaray farriin ka dhan ah Al-shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga tacsiyeeyey ehellada iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed dadkii ku geeriyooday weerarkii Al-shabaab ku qaadeen hoteelka Afrik ee Muqdisho ee uu ka mid ahaa General Maxamed Nuur Galaal oo dalka iyo dadka muddo dheer u soo adeegayay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Shacabka Soomaaliyeed ay ku xasuusan doonaan General Galaal kaalintii uu ka soo qaatay difaaca dalka muddadii 50-ka sano ka badneyd ee uu ka mid ahaa saraakiishii udub dhexaadka u ahaa CXD.

 “Waxaan cambaareynayaa falkaas bahalnimada ah. Waxaan Eebbe uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo intii dhimatay, inta dhaawaca ahna uu dhaqso u bogsiiyo”.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in loo midoobo la-dagaallanka Al-shabaab oo shalay weerar ku bilowday qarax ku qaaday Hotelka Afrik ee Magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 9 qof oo isugu jira Saraakiil Ciidan iyo dad shacab ah ayaa ku geeriyooday weerarka lagu qaaday Hotelka Afrik, halka in ka badan 10 qof kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, waxaana Mas’uuliyada weerarka sheegtay Al-shabaab.

SOMALI NEWS

To Top