WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay Wasiir ku-xigeen cusub (Wareegto)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa u magacaabay Wasiir ku xigeen cusub.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iis Wasaare Rooble ayaa waxaa Jamaal Xasan Ismaaciil loogu magacaabay inuu noqdo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda  Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda  Xannaanada u rajeeyay in uu mas’uuliyaddan Eebbe la garab galo.

Rooble ayaa dhawaan xilka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Arrimaha Dibadda Xukuumadda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, isagoo xilka Wasaaraddaas u magacaabay Cabdisaciid Muuse Cali, sidoo kalena Wasiiro isku bedelay…

Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay Wasiir ku-xigeen cusub (Wareegto)
To Top