WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la yeeshay Xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan casho ah la yeeshay 16-kii xildhibaan ee dhawaan lagu soo doortay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa 16-ka Xildhibaan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Ceelwaaq lagu soo doorty ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda Qaran, kuna boorriyay in ay dalkooda si hufan ugu adeegaan.

“Waxaa dalka ka jira duruufo adag oo wejiyo kala duwan, waxaa loo baahan yahay waajibna idinka saaran yahay inaad ka shaqeysaan sidii looga bixi lahaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo ka hadlaayay kulankii ka dhacay Muqdisho.

Dhawaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shaaciyay in 16-ka Xildhibaan ee lagu soo doortay Magaalada Ceelwaaq ay yihiin kuwo sharci ah, isla markaana doorashadooda ay goobjoog ka ahaayeen Guddiga doorashooyinka heer Federaal.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la yeeshay Xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq
To Top