WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo “Anaa ugu dhow wax sameyn kara Doorasho qof iyo Cod ah”

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta khudbad Taariikhi ah u jeediyey Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda.

Farmaajo ayaa khudbadiisa arrimaha ugu waa weyn ee uu diirada saaray waxaa kamid ah waxa u qabsoomay 4 Sano ee uu hoggaaminayey dalka soo kabanaya iyo waxa uga qorsheysan haddii markale loo igmado hoggaaminta isbadalka uu doonayo inuu ku hoggaamyo Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wuxuu sheegay in uu Soomaaliya ka dhigay Mudadii uu joogay dal la aamini karo uu xukuumaddiisa ay dagaalkii ugu adkaa 30 sano ku qaaday Musuq-maasuqa iyo in laga taajiro Hantida Umadda.

Wuxu kale sheegay Madaxweynaha inuu dhisay Ciidan xoog leh iyo Sirdoon tayeysan,  kuwaas oo hela Mushahar joogta ah, isagoo intaas kusii daray in uu sii anba qaadi doono Mushaharaadka Ciidamada kala duwan ee qalabka sida iyo Guud ahaan Shaqaallaha Dowladda, haday noqoto dhismahooda iyo Mushaharkooda.

Sidoo kale Madaxweynaha dowladda Farmaajo ayaa tilmaamay inuu arrimaha nabadeynta Dalka wax badan ka qabtay oo uu socdaallo nabadeed ku tagay guud ahaan qaybo badan oo kamid ah Dalka, kuwaas oo horey ay uga jireen Colaado Qabaa’il oo ragaadiyey Gobalada Dalka sida, Socdaalkii Nabadda ee Gaalkacayo, Socdaalkii Nabadda ee Galmudug, Socdaalkii Nabadda ee Puntland iyo Socdaalkii Nabadda ee Marka.

Gaba-gabadii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Carabka ku dhuftay in qofka ugu dhow ee dalka ka hirgelin kara doorasho qof iyo Cod ah uusa yahay, isla markaana haddii mar kale la doorto doorashada Soomaaliya ay noqoneyso mid qof iyo Cod ah.

Madaxweyne Farmaajo “Anaa ugu dhow wax sameyn kara Doorasho qof iyo Cod ah”
To Top