WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Ra’iisul Wasaare Rooble oo Goor dhow xil cusub u magacaabay Bashiir Goobe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta xil cusub u magacaabay Taliyihii KMG ah ee Hay’adda Nabadsugida ee NISA Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe).

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Bashiir Goobe loogu magacaabay inuu noqdo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska ee Xukuumadda, isagoo u rajeeyay in uu xilkiisa Eebbe u fududeeyo xilkaas.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa Bashiir Goobe horey ugu magacaabay Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, xiligii uu taagnaa khilaafkii u dhexeeyay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha.

Magacaabidan ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii habeenkii jimcaha gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ee lagu soo afjaray khilaafka muddada u dhaxeeyay labada dhinac ee sababta u ahaa kala jabkii Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO

DAAWO:-Ra’iisul Wasaare Rooble oo Goor dhow xil cusub u magacaabay Bashiir Goobe
To Top