WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Ciidanka Dowladda oo la wareegay Xarunta Degmada Guriceel iyo Saldhiga…

Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamulka Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca ayaa weli ka socda Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kaasi oo bilowday waaberigii hore ee saakay.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka ka socda Guriceel oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamaya oo isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dagaalkaas uu marar qaar noqonayaa mid goosgoos ah.

Dad ku sugan Magaalada ayaa soo weriyay in Ciidanka dowladda iyo kuwa Maamulka Galmudug ee saakay weerarka soo qaaday ay Goordhow la wareegeen gacan ku heynta Saldhiga Booliska degmada Guriceel iyo Xarunta degmadaas.

Ciidamada ayaa iyaga oo wata gaadiidka nooca dagaalka lagu arkayaa waddooyinka gala iyo kuwa kabaxa Saldhiga Magaalada iyo  Xarumo kale oo ay ku sugnaayeen Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca, balse ay isaga baxeen, sida ay sheegayaan wararka.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Hoobiye uu ku dhacay Xarun Caafimaad oo ku dhow Masjidka Munawar ee Guriceel, isla markaana ay gubatay Xaruntaas, sida lagu arkayay Sawirro laga soo qaaday.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Ciidanka Dowladda oo la wareegay Xarunta Degmada Guriceel iyo Saldhiga…
To Top