WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Khayre oo ku dhawaaqay inuu aqbalay xil ka qaadista lagu sameeyay maanta.

Muqdisho (HM)-Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo goor dhow la hadlay warbaahinta ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay, isagoo sharci darro ku tilmaamay go’aankii Golaha Shacabak ee maanta ee sida degdega xilka looga qaaday.


Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inuu u noqonayo Umadda Soomaaliyeed tusaale, isla markaana aanu dooneyn inuu qeyb ka noqdo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo dalka ka dhaca.

“Anigoo og wixii maanta ka dhacay Golaha Shacabka sharci darro yihiin, oo aan loo marin habraacii saxda ahaa ee xil ka qaadis xukuumadeed, anigoo og in aanay ku jirin ajandaha  anigoo og in aan laga doodin, in aan laga doodin, in aanay waafaqsaneyn dastuurka iyo shuruucda dalka, hadana waxaa go’aansaday inaan umadda soomaaliyeed u noqdo tusaale oo aan iska casilo xilka Umadda Soomaaliyeed u haayay anigoo dhowraya midnimada dalka, iyo in aan dib loogu laaban burburin, qeybna aan uga noqon qalqal siyaasadeed dalka ku dhaca, mid dhaqaale, mid amni”ayuu yidhi Xasan Kheyre.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xasan Cali Kheyre ayaa  ahaa ra’iisul wasaarihii ugu mudada dheeraa Soomaaliya soo mara tan iyo burburkii dowladii hore ee Siyad Barre,waxaana hore u dhici jirtey in ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ay is khilaafaan oo xilka laga qaado.

Kheyre ayaa loo magacaabay ra’iisul Wasaare inuu ka noqdo dalka Soomaaliya 23kii Febraayo  2017.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa codka kalsoonida siiyay xildhibaanada baarlamaanka 1dii bishii March 2017kii waxana ansixisay xildhibaano gaaraya 231.

Horufadhi News


SOMALI NEWS

To Top